Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dileen mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.
Ganacsade Maxamed Cabdi Timir oo aad looga garanayey Laascaanood ayaa lagu diley bartamaha magaaladaasi, iyadoo goobta ay ka baxsadeen raggii dilka ka dambeeyay.
Saakay ayaa lasoo sheegayaa in maleeshiyaad ku heyb ah ganacsadahan ay iyaguna dhaq dhaqaaqyo ka wadaan magaalada Laascaanood, taasi oo walaac ku beertay dadka shacabka ah.




From the comments