Dowladda koofurta Suudaan ayaa sheegtay in ay qaban doonto doorashooyinka guud ee looga gudbayo xaaladda ku meel gaarka ah, iyada oo aan weli la xallin khilaafka ka dhaxeeya dowladda iyo Mucaaradka.
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan Michela McCoy Loith ayaa sheegay in xukuumadda ay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho wadahadallada soo socda oo lagu qaban doono dhamaadka bishan April magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya.
Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in Mucaaradka ay wiiqayaan dadaallada wadahadallada iyaga oo dalbanaya in la badalo nidaamka.




From the comments