Mareykanka ayaa sheegay in todobaadka soo socda ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 400 oo askari uu u diri doono xadka uu la wadaago dalka Mexico.
Arrintan ayaa daba socota hadal ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo kaasi oo ku saabsanaa in ciidamo dheeraad ah oo ilaaliya xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico uu diri doono inta laga dhameynayo darbiga laga dhisayo xadka labada wadan.
Trump ayaa horay u ballan-qaaday markii uu ku jiray ololaha Mareykanka in uu darbi ka dhisi doono xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico si looga hortago dadka sharci darrada ku soo gala Mareykanka.




From the comments