Ururka Wadajir Iyo 2 Kale Oo Maanta Qaadanaya Shahaado Xisbi

Sida ay Goobjoog News u sheegtay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” waxaa maanta lagu wadaa in shahaadada KMG ee xisbiga la guddoonsiiyo ilaa 3 urur oo kala ah: Wadajir, SAMU iyo TIIR.
Wadajir: Xisbigan waxaa hoggaamiye u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana guddoomiye ka ah Kamaal Guutaale, waa urur mucaarad ah.
Samu– waxaa guddoomiye u ah Aweys Xaaji Xuseen Honero, waxaa uu matalaa Jareer-weyne,
Tiir– Ururkan waxaa guddoomiye u ah, Saalax Sheekh Cusmaan, horay waxaa uu usoo noqday wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska, waxaa uu ka soo jeedaa Afgooye.
Horay waxaa shahaadada xisbiga loo guddoonsiiyay 7 Xisbi oo kala ah: Xisbiga Garsoor, Xisbiga Midnimada, Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Xisbiga Umadda Soomaaliyeed, Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed iyo Xisbiga Horumarinta
Diiwaan-gelintan waa mid KMG ah waxaa ururka laga qaadayaa magaca xisbiga, calaamad cusub, qodob ka soo baxay kulan la qabtay, dastuurka ururka iyo $500 ama 10 milyan oo shilin Soomaali.
Goobjoog News