Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha madaxweynaha, Injineer C/xakiin C/laahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu duqa magaalada Laascaanood ugu magacaabay Mukhtaar Maxamed Garaad.
Camey ayaa sheegay in markii uu la tashi badan sameeyay, arkayna in la dardargeliyo howlaha shaqo ee magaaladaasi inuu gartay in Mukhtaar xilkaan loo magacaabo.
Sidoo kale, waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday duqii hore ee maamulka Puntland ugu magacawnaa magaaladaasi C/lla Xaaji Warsame.





From the comments