Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Isniin ah waxay xukun dil toogasho ah ku riddey Gaashaanle sare C/naasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidanka badda Soomaaliyeed.
Xoosh ayaa ku eedeysnaa inuu si bareer ah u dilay taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada badda Saciid Aadan Yuusuf.
S/guuto Liibaan Cali Yarow, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo xukunkaan riday ayaa sheegay in ay raaceen xukunkii hore ee maxkamadda darajada Koowaad ku riddey Xoosh, kaasi oo ahaa dil toogasho ah.




From the comments