Bangiga Adduunka ayaa baahiyey warbixinta sanadlaha ee qiimeynta howlaha saameynta ganacsiga ee Caalamka. Taasi oo lagu eegay howlaha saameynta ganacsiga iyo kororka dhaqaalaha ee 190 waddan oo ku yaalla caalamka.
Warbixinta oo loogu magac daray “World Bank’s Doing Business 2018 report” ayaa lagu xusay in aasaas uga dhigeen habka ugu sahlan in ganacsi loo abuuri karo, xuquuqda milkiyadda, nidaamka xisaabaadka ganacsiga, qandaraasyadda, xoojinta sharciyadda maalgashiga iyo fududeynta deymaha iyo tirada wax-soo-saarka kale.
Warbixinta Baanka Adduunka (World Bank) ayaa lagu sheegay inuu dalka New Zealand uu safka hore ee kaalinta 1-aad ka galay qiimeyntaasi. Halka Singapore ay soo gashay kaalinta 2-aad.




From the comments