Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar.
Ciidamadan ayaa dagay hareeraha wadada laamiga ah, gaar ahaan deegaannada Gololey iyo Haanta Sheekh oo ah meello ay ku xooganaan jireen Al-shabaab.
Saraakiil u hadlay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in fariisimadan uga golleeyihiin sidii ay ku xaqiijin lahaayeen amniga wadadan oo marar badan ay ka dhaceenweeraro ay fuliyeen Al-shabaab.




From the comments