Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoomiyahii golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida uu isku casilay.
Farmaajo ayaa sheegay in Jawaari aanu wax shuruud ah ku xirin is casilistiisa, uuna yahay qabiir dhanka sharciga ah.
“Waxaan u mahadcelinayaa mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo runtii dalka usoo shaqeeyay in ka badan muddo 50 sano ah, xilal kala duwanna usoo qabtay, mudane Jawaari waa oday Soomaaliyeed, waa qabiir dhanka sharciga ah, in badanna dowladnimada Soomaaliyeed waqti aad u badan geliyey, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo uu ku xirayna malahan, waxaan ku dhiirogelinayaa mudane Jawaari in uu halkaasi kasii wado dedaalladii uu ku bixiyey dowladnimada Soomaaliyeed, gaar ahaanna qabyo tirka dastuurka, waxaan ka fileynaa inuu sii wado talobixintiisii iyo talo soo jeedintiisa, waxaa waajib nagu wada ah inaan usoo wada jeedsanno xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ah dowlad wanaag, adeegyada asaasiga ah inaan gaarsiinno, inaan si wadajir ah ugu istaagno arrimaha masiiriga ah”




From the comments