Qarax Miino oo khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay maqaayad ku taalla duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in miinadan ay ku dhex aasneyd maqaayad ku taallay halkaasi, waxaana waxyeello ay soo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Hal qof oo ahayd haweeney ayaa qaraxaasi ku geeriyootey, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, sida ay Goobjoog News u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed.




From the comments