Goobjoog

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Hiiraan

Xiisad u dhaxeysa maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan ayaa lagu soo waramayaa iney ka taagan tahay deegaanka Kubure oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana hoostaga degmada Maxaas. Xiisaddan ayaa daba…

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Hiiraan
EASTERN OGADENIA, EASTERN ETHIOPIA – OCTOBER 12TH: A company commander (in front) and some of his men are taking pleasure in shooting into a nearby wood, October 12th 2006, in Ethiopia. It allows them to make sure their weapons are not rusty. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

Xiisad u dhaxeysa maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan ayaa lagu soo waramayaa iney ka taagan tahay deegaanka Kubure oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana hoostaga degmada Maxaas.

Xiisaddan ayaa daba socota dagaallo ka dhacay deegaankan, kaasi oo ay ku dhinteen 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 10 kale.

Dagaalladan ayaa salka ku haya muranno xagga daaqsinka ah, iyadoo weli aanay jirin xal la gaaray, ama cid kala dhexgashay dhinacyada.

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa dhinacyadan is haya waxay ugu baaqeen in xaaladda ay qaboojiyaan, wax walbana ku dhammeeyaan wadahadal iyo is faham.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments