Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn ayaa weerar afka ku soo qaaday Soomaaliya isaga sheegay in Muqdisho tahay abaal laay, cadawga umadda hoos jiifta.
Khaalid Bin Axmed Aala Khaliifa oo madax ka ahaa wasaaraddaasi tan 2005-tii, waa wasiir arrimo dibadeedkii 2aad ee Baxreyn yeelato taariikhda dalkaasi yar.
Khaalid oo ay ka muuqato inuu la saftay Imaaraadka waxaa uu leeyahay Imaaraadka wax badan ayey u qabteen Soomaaliya “Imaaraadka waa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dowli ah, oo madaxweynaha ka soo qeyb-galay, waxaa ay Soomaaliya ka taageertay burcad-badeedda, waxaa ay gudatay waajibka, waxaa ay siisay lacag, hub iyo daawo”.




From the comments