Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa markii ugu horreysay booqanaya dalka Itoobiya, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Itoobiaya booqashada ayaa ka bilaabaneysa 30 April-3May.
Idaacadda Fana ee gudaha Itoobiya ayaa sheegtay in booqashada Rivlin ay timid ka dib markii dhiggiisa Itoobiya Mulato Teshome uu ka helay casuumaad rasmi ah.
Idaacadda Itoobiya waxaa ay intaas ku dartay in Rivlin uu la kulmi doono inta uu ku guda jiro booqashadiisa madaxweyne Mulato Teshome iyo ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sidoo kale waxaa uu ka qeyb-gali doonaan shir loo qabanayo ganacsatada Itoobiya iyo kuwa Israel.




From the comments