Sare u kac aad u xooggan ayaa laga dareemayaa suuqyada iyo goobaha ganacsiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo,iyada oo arrintan ay saameyn ku yeelatay nolosha dadka ku dhaqan degmadaasi oo u badan qoysas danyar ah oo ay horey u ragaadiyeen abaaro.
Sare u kacaan ayaa lala xariirinayaa hakad ku yimid gaadiidkii xamuulka ahaa ee soo galayey degmada ,Roobabka da’ay awgood,ganacsatada deegaanka ayaa qiima kororka ku tilmaamay wadooyinka oo ku xirmey Roobabka da’aya.
Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah ganacsatada degmada Baardheere oo u warramay Goobjoog News ayaa sheegay in raashinka uu gabaabsi ka yahay degmada,isagoo sheegayna sababaha sicir bararka keenaya in ay ugu weyn tahay Roobabka da’aya iyo gaadiidka oo wadooyin fog soo maraya.




From the comments