Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo Khamiistii shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabaneyo imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.
Wasiirka Waxbarashada waxa uu sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qaybgalayaan 27-kun oo Arday, isagoona tilmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhammaan dowlad-goboleedyada kala duwan iyo gobolka Benaadir.
Wasiir Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay iney imtixaanka shahaadiga ah ay qaban doonaan May 12, 2018. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kharashaadka ku baxaya dhammaan ay bixin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments