Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku xanniban tahay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka, taasi oo la sheegay in magaaladaasi ka qaadi lahayd saraakiil u dhashay wadanka isku tagga Imaaraadka Carabta.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay xannibeen diyaaraddan, iyadoo weli faah faahin dheeraad ah aan la hayan.
Saraakiishii iyo tababarayaashii Imaaraadka ee ku sugnaa xerada ciidamada Badda Puntland ayaa gabi ahaanba isaga baxayey halkaasi, waxaana saraakiishan la marsiiyey dhanka baaritaanka caadiga ah dadweynaha ee garoonka Boosaaso, halka laga diiday iney agab Milatari diyaaradda saartaan.




From the comments