Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka dalbaday taliska ciidanka xoogga dalka iney adkeeyaan amniga guud ee degmadaasi.
C/laahi Shafaawe oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka Mahadaay ayaa sheegay in ciidamada laga doonayo iney si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee degmadaasi loo magacaabay.
“Mahadaay waxay ka mid ahayd degmooyinka ugu dhaqaalaha badan ee Shabellaha Dhexe, laakiinse maanta waxay ku jirtaa kuwa ugu liito sababtuna waa amni darrada…waxaan idin ka codsaneynaa in maanta aad naga ballanqaadaan inaad nala shaqeysaan 100%” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Mahadaay.




From the comments