Roob ka da’ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka, kadib markii ay biyo badan fadhiisteen waddooyinka magaaladaasi.
Darwaladda ka shaqeeya Kismaayo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in waddooyinka oo burbursanaa ay hadana biyo badan fariisteen.
“Waddooyinka iyaga oo burbursanaa ayaa hadana waxaa noogu darsamay biyo badan oo degay wadadii, roobka waa ilaahay mahadiisa, waan waxaanA Alle ka baryeennay, laakiinse saameynta yar waa in uu maamulka wax ka qataa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News.




From the comments