Kadib markii uu madaxweyne Donald Trump silsilado dhaleecayn ah uu huwiyay maamulihii hore ee F.B.I James Comey bartiisa Twitter-ka, isagoo ka soo horjeeda qoraalka ku daabacan buug uu soo wado, ayaa Comey uu ugu jawaabay Trump wareysi uu bixiyay Axaddii Shalay.
Comey oo wareysi gaar ah siiyay Chanel-ka ABC ayaa sheegay in Trump uu yahay “Anshax ahaan qof aan u diyaarsaneyn inuu Mareykanka maamulo, ma rumeysni sheekooyinka tilmaamaya in Trump caqli ahaan buko ama uu marxalad hore oo Asaasaqa ah marayo, laakiin waxaan aaminsahay inaanuu u diyaarsaneyn Anshax ahaan si Mareykanka u sii maamulo.”
Waxa uu carrabka ku adkeeyay; “Iney lagama maarmaan tahay in madaxweynuhu uu tusaale fiican u noqdo dhanka akhlaaqda, qiimaha akhlaaqda waxaa ugu muhiimsan xaqiiqada. Madaxweynahan ma awoodo arrintaas[Inuu xaqiiqada sheego].”




From the comments