Cabdulqaadir Cali Ismaaciil waxaa uu quudinayey muddo 18 sano ku dhow Shimbiro, waxaa uuna todobaadkii siiyaa Shimbirahaan 50 Kiilo oo haruur ah, halka bishii ay noqoneyso ku dhowaad 200 Kiilo.
Saddexda waqti ay dadka wax cunaan ayuu siiyaa Shimbiraha cuntada, waxaa uu tilmaamay in quudista Shimbiraha uu waday muddo 18 sano ah.
Cabdulqaadir Cali Ismaaciil oo arrintan Goobjoog News uga waramay ayaa yiri “ Waxaan quudinayey 18 sano, maalintii waxaan badar siiyaa saddex waqti, intii ay ii furneed maheradeyda shaqo Shimbirahaan maalina ma aysan qadin “.




From the comments