Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta,Anwar Maxamed Qarqaash, oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Carabiga ee BBC –da ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Anwar Maxamed mar uu ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiska Berbera waxaa uu tilmaamay in heshiiskan ay la galeen Imaaraadka Carabta dowladdii tan ka horreysay.
Isaga oo ka hadlaya arrinta Berbera waxaa uu yiri “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaaliya mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”.




From the comments