Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda gobolka Hiiraan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riddey Saddex ruux oo dambiyo kala duwan ku eedeysnaa.
Labo ka mid ah ragga la xukumay ayaa ku eedeysnaa iney dhac u geysan jireen gaadiidka dadweynaha ee Galbeedka magaalada B/weyne.
Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan oo xukunkaan ku dhowaaqay ayaa sheegay in ragga kala ah Yuusuf Xuseen Ibraahim iyo Aadan C/laahi Xasan lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay oo ah iney shacabka iyo gaadiidka dhici jireen laguna xukumay min Saddex sano oo xabsi ciidan ah.




From the comments