Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen rag amni darro ka waday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Afhayeenka wasaaradda, C/casiis Xildhibaan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ciidamada ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo guud ahaan falalka amni darro.
Waxa uu tilmaamay afhayeenka iney qabteen nin ka tirsan Al-shabaab oo waddo ka mid ah kuwa Muqdisho ku aasayey walxaha qarxa, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments