Dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in inuu xadkiisa dhanka Qatar ka dhiso saldhig milatari iyo goob lagu shubo qashinka ama haraadiga nuclear-ka, mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka Qatar looga dhigi rabo jaziirad ka go’an dalka Sacuudiga. Sidaasi waxaa lagu daabacay wargeyska Riyadh.
Dalka Sacuudiga ayaa xadka uu la wadaago Qatar ka qodi-doonna Kanaal-ka Salwa, kaas oo dhirirkiisu lagu sheegay 60 kilometer (37.5 mile) iyo ballac ah 200 meter iyo moolka oo gaaraya 20 meter. Mashruucan oo ay ku baxeyso 2.8 billion riyal ($750 million) ayaa lagu soo gabagabeyn-doonaa 12 bil gudahood.
Kanaalkan salwa waxaa fulin-doona ama qodi-doona shirkado Masaari ah, waxaa lacagta bixinaya ganacsato u dhalatay Sacuudiga iyo Imaaraadka.




From the comments