Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Madaxweyne Vladmir Putin, uuna booqan doono dhowaan Aqalka Cad.
Sergey Lavrov ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Putin uu hadda isku diyaarinayo in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Waxaa uu intaas ku daray in Trump iyo Putin ay isku raacsanyihiin 100% in labada dal uusan ka dhex dhici dooniin iska horumaad Millatari.




From the comments