Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan in si degdeg ah wax looga qabto burburka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in muddo ka badan 15 cisho ka badan aanu shaqeyn garoonkan, islamarkaana ay dadka kasoo degaan garoonka degmada Dhuusamareeb.
Dadkan ayaa dalbanaya in garoonka laga qabto biyaha roobka, maadaama ay biyo badan fariisteen, diyaaradahana aanay kasoo degi karin.




From the comments