Nabi Tajima oo u dhalatay dalka Japan ahaydna haweenayda la aaminsan-yahay iney ahayd qofkii ugu da’daweyn Adduunka ayaa Sabtidii geeriyootay iyadoo da’deedu ay sii caga-cagaynayso 117-sano jir.
Sida ay qortay wakaaladda Wararka Japan ee Kyodo News, Tajima oo dhalatay 1900, waxay u geeriyootay cudurka duqnimada waxayna ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Jasiiradda Kagoshima ee koonfur-galbeed dalka Japan.
Guinness World Records ayaa baarintaanno ku sameyay haweenaydan sanadkii hore, kadib markii ay geeriyootay haweenaydii ugu da’daweynd dunida Violet Brown ee kasoo jeedday dalka Jamaica.




From the comments