Goobjoog

Wax Ka Ogow Qaabka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalka Ah

Dowladda federaalka ah ayaa maanta daah-furtay tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dawladda, natiijada ayaa wax badan ka badali-doonta xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha. Dowladda waxaa ay sheegeysaa in arrintan ahmiyad weyn…

Wax Ka Ogow Qaabka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalka Ah

Dowladda federaalka ah ayaa maanta daah-furtay tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dawladda, natiijada ayaa wax badan ka badali-doonta xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha. Dowladda waxaa ay sheegeysaa in arrintan ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh guud ahaan shaqaalaha rayidka waxaa ay ahaayeen 5526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, xilligaas dowladda waxaa ay miisaaniyadda ku sheegtay in ay ku dhib qabto tirada shaqaalaha Garade (A) lacagta ku qaata, farqiga u dhaxeeya mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo siyaasiyiinta iyo tirada wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda…shaqaalaha dowladda madaxda sare ayaa ka badnaa shaqaalaha hoose, arrintaasi kama dhacdo caalamka

Sanadkan miisaaniyadda loogu talo-galay shaqaalaha rayidka waa $130 Milyan oo ka mid aha $274 Milyan oo ay miisaaniyadda 2018-ka ka koobantahay, waa kala-ubar miisaaniyadda, waana in ka badan kala-ubar intii shaqaalaha mushaar ahaan loo siin-jiray 2015-kii oo ahaa 53,000,000.

Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Farmaajo waxaa ay qoratay shaqaale badan, waa adagtahay in la ogaado tiradooda waayo qaarkood kuma jiraan miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka, sidii sanadkii horana lama shaacin tirada la qaatay.

Waxaa jira shaqaale ka qoran xafiisyada dowladda, leh Garadeyada kala duwan ee A, B, C iyo D oo qaato mushaarka isla markaana aan tagin shaqada, arrintaas oo dhibaato ku ah qaranka.

Tirakoobkan cusub ee la daah-furtay waxaa ka horreeyay mid ay sameeyeen guddiga baarlamaanka ee shaqaalaha, lama oga in qorshahan cusub qoraalkooda laga tix raaci-doono iyo in kale.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments