Madaxa hoggaanka ciidamada Uganda Gen David Muhoozi, ayaa sheegay in ciidamooda aaney xilligan la-dagaali karin xarakada Al-shabaab, isaga oo sababta ku sheegay qarash la’aan, arrimaha lojistikada iyo dhibaatooyin heysta ciidamada xoogga dalka.
Ugandiis-ka waxaa ay xireen dhowr xero sida uu sheegay si ay u helaan awood ay isku difaacaan isaga oo intaasi raaciyay in aaney weerar ku qaadi Karin Al-shabaab.
“ Natiijada aan hadda heyno, waa in aanan difaaci Karin meelaha gacanteenna ku jira, waxna kama tari karo yareynta awoodda cadawga”, sidaasi waxaa yiri Gen David Muhoozi.




From the comments