Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Barbaarinta, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay inuu abaal-marinta caalamiga ah ee “Xoriyadda Saxaafadda” sanadka 2018 uu siiyay saxafiga reer Masar ee xiran ee la yiraahdo Mahamoud Abu Zeid.
Abu Zeid oo da’diisu tahay 31-jir oo loona yaqaannaa Shawkan ayaa la xabsiga la dhigay 2013 xilli uu wax ka tabinayay isku dhacyo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay magaalada Al-Qahira oo dhex maray ciidanka ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo Axaddii hadal ka soo saartay ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in abaalmarinta la siiyay saxafigan xabsigeeda ku jira, “Waxaan aad uga xunnahay in urur sida UNESCO oo kale ah ay qadariyaan qof ku tuhunsan inuu dambi argagixiso ah galay iyo dambi ciqaabeed.”




From the comments