Goobjoog

Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka…

Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu billowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadday fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen halkaasi.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu ku billowday madaafiic ay soo tureen Al-shabaab.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dhanka saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM aanay wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi.

Al-shabaab ayaa mararka qaar sidan oo kale weeraro ugu qaadda xarumaha ay ciidanka dowladda kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada dalka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments