Golaha guurtida ee Somaliland ayaa waxay shaqo joojin ku sameeyeen xildhibaan ka qeybgalay munaasabad dhaqan oo ka dhacday magaalada Carmo ee gobolka Bari.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golahan, Saciid Jaamac Cali ayaa warbaahinta u sheegay iney shaqadii ka joojiyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, kadib markii uu ku xadgudbay xeerka u yaallay golahan.
Xildhibaankan ayaa Carmo uga qeybgalay munaasabad lagu caleemo saarayey Suldaanka Beel daaje, iyadoo arrinta kaliya lagu haysatana ay tahay in uu tago deegaan uu ka arrimoyo maamulka Puntland isaga oo xildhibaan Somaliland ah.




From the comments