Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif oo ka hadlayey Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya lagu heysto maxaa dhexdhexaad uga noqotay khilaafka wadamada Khaliijka.
Waxaa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal hadda burbur ka soo kabanaya ayna doonayaan dalalka isbaacsanaya in ay kala jiitaan dalka waxaa uuna yiri “Maadaama waddan burburay aan nahnay haddana soo kabanaya dalalka isbaacsanaya dano waaweyn ay ka leeyihiin Soomaaliya iyo sidii ay nook ala jiidan lahaayeen arrinkaana waa hir annaga nagu dhacaayo”.
Waxaa uu intaas ku daray in khilaafka Khaliijka ay wadammo badan ay ka qaateen siyaasad dhexdhexaad ah kuwaas oo ka mid ah dowladaha Suudaan, Itoobiya sidaas ayna tahanna aan faro-gelin lagu heynin balse Soomaaliya loo arkay in ay tahay daciif.




From the comments