Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in nawaaxiga degmada Tiyeeglow ee gobolkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed, kuna sii jeeday degmada Tiyeeglow ayaa la sheegay iney jidka u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana la isku adeegsanayaa rasaas culus.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee dadka ku dhaqan Tiyeeglow ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas aad u xooggan.




From the comments