Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bartilmaameed ka dhigato dadka ka aragtida duwan.
Shakuur oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayuu sheegay hadalkan, isaga oo yiri “Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Farmaajo shaqo uu ka dhigtay bartilmaameedsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xibisga Wadajir”
C/raxmaan C/shakuur ayaa dhanka kale sheegay in sanad ka hor magaalada Nairobi ay ku qaban jireen isaga iyo madaxweyne Farmaajo olole siyaasadeed oo ka dhan ahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.




From the comments