Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa Xaafadda Suuqa Xoolaha, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho loogu geystay wiil dhallinyaro ah.
Wiilkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa la tilmaamay in uu ahaa darawal kaxeeya mootada Saddexda lug ee loo yaqaan Bajaaj, waxaana dilay rag ku hubeysan Bistoolado.
Goob jooge ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Labo nin oo watay Bistoolado ay wiilkaan ku dileen meel aan ka fogeyn goob laga raaco gaadiidka soo aada dhanka Suuqa Bakaaraha, kadibna ay halkaasi isaga baxsadeen.




From the comments