Urur goboleedka IGAD waxaa uu maanta daaha ka qaadi-doonaa istaraatiijiyad lagu mideynayo ladagaalanka iyo ka hortagga argigixisada, taasi ayaa la sheegay in looga jawaabayo caga-jugleynta ay la kulmaan dalalka xubnaha ka ah.
Arrintan ayaa ku soo beegantay furitaanka xarunta ICEPCVE ee ka hortagga argigixisada ee laga furay xarunta ururka ee Djibouti.
Xaruntan cusub waxaa laga wadaa iyada oo kaashaneysa xukuumadaha, dhalinyarada, culimada, khubaro, ganacsato iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay xoogga saarto ladagaalanka argigixisada ka jirta 8-da dal ee IGAD.




From the comments