Maanta oo Arbaco ah waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ka furmay shirka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Furitaanka shirkan waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiirada amniga ee dowlad goboleedyada, saraakiil ciidan iyo marti kale.
C/naasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay in shirkaan ahmiyad ballaaran uu leeyahay amniga guud ee dalka.




From the comments