Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa waxay Shan sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).
Boqorka ayaa dib isla maantaba loogu celiyay xabsiga kaddib markii dhawaan dammaanad lagu soo daayay.
Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan xarunta xuquuqul insaanka Somaliland islamarkaana maxkamadda ku sugnaa markii xukunka boqorku uu dhacayay ayaa waxa uu Goobjoog u sheegay in boqorku codsaday inuu qareenno codsado hase ahaatee ay ka diidday maxkamaddu sidaasna lagu xukumay.




From the comments