Guri ku yaalla xaafadda Islii, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa inuu ka kacay dab xooggan.
Dabkan oo illaa iyo haaatan aan la sheegin waxa sababay inuu kaco ayaa wararka waxay tilmaamayaan guriga uu ka kacay ay deganaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.
Kooxaha gurmadka ee dabdamiska oo durba gaaray halka dabka uu ka kacay ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan badi dadkii deganaa gurigan, walow lasoo sheegayo iney weli halkaasi ku xayiran yihiin dad aan tiradooda la shaacin.




From the comments