U bood dhigaalka

Gaas Oo Sheegaya In Dastuurrada Puntland Iyo Federaalkaba U Ogolaanayaan Heshiisyo Caalami Ah

Sheeko:Dalka

Cabdiweli Maxamed Gaas, madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shir jaraa’id uu ku qabtay Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka ayaa sheegay  in ay maamulkiisa ay heshiis la galeen DP World si ay u hormariyaan mid ka mid ah dekadaha Puntland, heshiiskaan oo gaaraya $336 Milyan, waxaa uu sheegay inuu wax badan ka tarayo maalgeshiga, horumarka, shaqo abuurka, nabad-galyada iyo xasillondida Soomaaliya, waayo “hormar ma lahaan kartid amni la’aan, amnina ma lahaan kartid horumar la’aan” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sidoo kale ka hadlay in hadafka laga lahaa Federaalismka aanu aheyn in awoodda dalka hal meel laga maamulo, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Hadafka laga lagaa Federalism-ka waxaa uu ahaa in sameeyo maamul goboleedyo ka mas’uul  xukuumado shaqeeya halka dowladda federaalka ah ay mas’uul ka tahay amniga dalka.….bururkii Soomaaliya ee 1991dii waxaa sabab u ahaa awoodda dowladda dhexe iyo Muqdisho oo dalka caasimad u aheyd, Soomaaliya ma aha Muqdisho, Muqdishana ma aha Soomaaliya”.

Madaxweyne Cabdiweli waxaa uu sheegay in wax walbo oo masiirka umadda ah ay tahay in lala wadaago qeybaha Soomaaliya isaga oo raaciyay “ waxaan taageereynaa dowladda Soomaaliya oo ku dhaqanta dastuurka, ilaalisa xuquuqda dowladda federaalka isla markaana maamul goboleedyada ku xushmeysa meelaha uu dastuurka siinayo”.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas Mar uu ka hadlayey heshiisyada maamul goboleedyada waxaa uu sheegay in dastuurka Puntland qodobadka 54aad uu u ogaalanayo in ay heshiis horumarineed gali karaan halka qodobka 142aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu qorayo  in maamul goboleedyada ay ku dhaqmaan dastuurkooda inta laga ansixinayo dasruur qaran.

Qodobada kale uu ka hadlay waxaa ka mid ah Sida Imaaraadku Sheegeen:

  1. Madaxweyne Gaas waxaa uu ammaanay xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka isaga oo ku sheegay mid istaraatiiji ah oo la iska kaashanayo arrimo argigixisada iyo horumarka.
  2. Xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka adkaan-doono xujo kasta, xiriirkeenna waa uu jiri doonnaa.
  3. Waxaan ku kalsoonnahay in imaaraadku sii wadayaan taageerada ay na siiyaan
  4. Ganacsiga Aduunka waxaa uu ku tiirsan yahay in doomaha si ammaan ah u isticmaalaan biyaha gobolka, sidaasi darteed waxaa ku kalsoonnahay in Imaaraadka ka taageeri doonnaan
  5. Innaga waxaan nahay difaaca 1aad ee ka hortagga argigixisada.
  6. Xiriirka Dheer ee aan la leenahay Imaaraadka waa jiri doonnaa xataa haddii tashwiish jiro
  7. Imaaraadka waa uu na taageeraa, 2000 oo askari ayaa Soomaaliya ka ilaaliya howlaha sharci-darada ah.
  8. Qodobka 54aad ee dastuurka ayaa noo ogolaanaya in aan heshiis horumarineed geli karto maamul goboleedkeenna, weli ma arag wax ka soo horjeeda heshiiskeena aan la galnay DP Wold.

Goobjoog News