Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa dib u dhigtey dhageysiga dacwadda C/laahi Asad Ismaaciil oo ku eedeysan inuu xaafadda Calanley ee Kismaayo ku diley xaaskiisa.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Jubbaland Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in kiiskaan maxkamadda la horkeenay dib loo baarayo, maadaama dhanka kale aanay keenin caddeymo ku filan kiiskan.
Waxay maxkamadda sheegtay in la isku soo laaban doono 15-ka bisha May 2018, lana gudageli doono dhageysiga dacwaddan.




From the comments