Magaalada B/weyn waxaa looga qaxay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabelle, ka dib marii ay da’een roobab xoog leh.
Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News xaafado badan oo ka mid ah B/weyn ayaa looga qaxay Fatahaadda biyaha, waxayna dadka ay ku suganyihiin duleedka magaalada halkaasi oo ay ku heysato daruufo la xiriira dhanka nolosha iyo hooyga.
Dadka u qaxay duleedka magaalada ayaa hadda waxaa ay cabanayaan daruufo soo wajahay oo ay ka mid yihiin hooy la’aan.







From the comments