Aqalka cad ayaa sheegy in Madaxweyne Trump uu booqasho ku tagi doono dalka UK bisha soo socota ee July.
Sida ay sheegtay Sarah Huckabee Sanders oo ah afhayeenka aqalka cad madaxweyne Trump waxaa uu booqan doonaa 13 July UK iyada oo aan la cayimin mudada ay qaadaneyso booqashadiisa.
Wax yar ka dib markii aqalka cad uu ka soo baxay ogeysiiska booqashada Trump waxaa ay xaqiijisay xukuumadda Britain in Trump uu wadahadal labageesood ah uu la yeelan doono ra’iisulwasaaraha dalkaasi Theresa May.




From the comments