Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo khasaare geystay.
Sida ay soo sheegayaan Wariyeyaasheenna ku sugan Gaalkacyo, qaraxan ayaa waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.
Waxaa la xaqiijiyey in goobtaasi uu ku dhintey Taliyahii ciidamada isku dhafka Gaalkacyo ee xoogga dalka Xorreeye iyo Labo sarkaal kale, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments