Goobjoog

Xildhibaanno Ka Tirsan Hirshabelle Oo Ka Qeylo Qaaday Fatahaadda Wabiga Shabelle

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ka qeylo dhaamiyey fatahaadda uu wabiga Shabelle ka sameeyey deegaanno ka mid ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Xildhibaan Farxaan Maxamed oo ka…

Xildhibaanno Ka Tirsan Hirshabelle Oo Ka Qeylo Qaaday Fatahaadda Wabiga Shabelle

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ka qeylo dhaamiyey fatahaadda uu wabiga Shabelle ka sameeyey deegaanno ka mid ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan Farxaan Maxamed oo ka mid ah mudanayaashan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa uu ku tilmaamay in ay aad uga xun yihiin waxa socda, loona baahan yahay gurmad dhan walbo leh.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in caawinta dadka ka barakacay fatahaadda ay waajib ka saaran tahay cid walbo oo Soomaaliyeed oo ku nool meel ka badbaadday fatahaadahan oo kale.

Xildhibaan Farxaan ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda federaalka, hay’adaha samofalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney kaalin ka qaataan u gurmashada dadkaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments