Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
Bayle oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn faah faahiyey safar uu ku tagay dalka Maraykanka iyo wixii usoo qabsoomay.
Waxa uu tilmaamay Bayle in hadda ay galayaan Imtixaankii Saddexaad oo dhanka IMF ah, kadib markii ay ku guuleysteen Labo Imtixaan hore oo loo sameeyey.




From the comments