Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu waxay codkooda ku biirinayaan baaqa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ku aadan fatahaada wabiga Shabeele oo saamayn bani’aadanimo ku eelatey deegaamo badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Fatahaada wabigu waxay waxyeelo ba’an u geysatey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa iyo Kaabayaashii nolosha dadku ku tiirsanayd ee ka jirey deegaamadaas sida hoygoodii, kaydii raashinka iyo daawooyinka, dalagii beeraha, ceelal biyoodkii, Musqulihii, Iskuuladii rugihii caafimaadka, wadooyinkii iyo buundooyinkii islamarkaana waxay fatahaadu dhalisay barakaca in ka badan 15 kun oo qoys oo markii horeba ku jirey xaalado adag oo bani’aadanimo.
Warbixinaha hordhaca ah ee ka imanaya deegaamada Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee Fatahaada wabigu saamaysay waxay muujinaysaa in ay jiraan xanuuno ka dhashey nadaafad Iyo biyo xumaanta baahsan ee ka jirta meelaha barakacayaashu isugu tageen, waxana jirta cabsi weyn oo laga qabo in ay dilaacaan xanuunada faafa taas oo hadii aan laga hortagin ay adkaan karto in la xakameeyo.




From the comments