Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha Magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare oo isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne Waraysi gaar ah siiyay Radiyaha dowladda ayaa sheegay inay Magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare ayaa Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.




From the comments