Wasiirka waraabka ee Suudaan Muctasim Muuse ayaa sheegay in wareegga cusub ee wadahadallada ku saabsan biyo xireenka ay ka furmi doonaan shanta bisha May ee soo socota magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya.
Arrinkan ayaa yimid ka dib markii Muctasim iyo ra’iisulwasaaraha Suudaan Bakri Saalax ay kumeen sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suudaan ee Sunna.
Muuse ayaa caddeeyay in kulanka dhacaya shanta May ay ka qeyb-gali doonaan wasiirrada waraabka ee dowladaha saddexda ah oo kala ah Masar Suudaan iyo Itoobiya.




From the comments